WAR-SAXAAFADEED: Shirka Isku-dubbaridka Wasaaraddaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Heer Federaal & Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Dhuusamareeb, Galmudug Soomaaliya, 1-da Febraayo 2026
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha (WTKHB), ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug ku qabatay shir heerkiisu sarreeyo oo ay isugu yimaadeen Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha (31da Jannaayo – 1da Febraayo 2026).
​Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Wasiirro, Agaasimayaal guud, Lataliye-yaal farsamo iyo saraakiil sare oo dhanka farsamada ah oo ka kala socday hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, taasoo ka dhigan guulweyn oo laga gaaray dadaallada Soomaaliya lagu xoojinayo maamulka tamarta iyo kheyraadka biyaha, horumarinta adeegyada iyo adkeysiga cimillada iyada oo xoogga la saarayo isku-xirnaanta iyo iskaashiga qaybaha iyo waaxyaha kala duwan ee dalka.
​Muddadii labada maalmood ahayd ee shirku socday ayey ka qaybgalayaashu waxa ay xaqiijiyeen go'aannada la wadaago ee waxqabad-wadareed, dib-u-habayn hay'adeed, iyo wada-shaqeyn iyo iskaashi joogto ah oo ka dhexeeya qaybaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo looga golleeyahay horumarinta adeegyada tamarta iyo biyaha si loo gaarsiiyo dalka oo dhan adeegyo koronto & biyo la awoodi karo, la iskuna halleyn karo. Dadaalladan ayaa muhiim u ah taageeridda adkeysiga muddada-dheer, kobaca dhaqaale ee loo dhan yahay, iyo horumarinta bulshada ee Soomaaliya.
Furitaanka shirka ayuu Xil. C/llaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xoogga la saaro iskaashiga, iyo mideynta dedaallada heerarka kala duwan ee qaybaha biyaha iyo korontada dalka. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ku tilmaamay shirkan in uu astaan u yahay tallaabada muhiimka ah ee loo qaaday is-waafajinta dadaallada heerarka kala duwan ah, abaabulka iyo raadinta dhaqaalaha iyo maal-gashiga, iyo in si wadajir ah loogu tarjumo istraatiijiyadaha qaran natiijooyin iyo yoolal la taaban karo oo horumarinaya nolosha bulshada Soomaaliyeed.
​Dhanka kale, Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa si xoog leh uga qaybgalay shirka taas oo ka tarjumaysa ballan-qaad ballaaran oo heer qaran ah oo ku aaddan is-waafajinta iyo iskaashiga dhinacyada tamarta iyo Biyaha ee dalka.
​Dhanka kale, intii lagu guda jiray shirkan muhiim ka ah ayaa lagu soo bandhigay doodo iyo fikrado muhiim u ah horumarinta kaabayaasha tamarta iyo kheyraadka biyaha dalka taas oo ku dhisan mas'uuliyad wadareed iyo mid gaar ah oo ay kala qaadanayaan DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyada oo qodobada muhiimka ah ee shirka lagu soo koobay;
​B) Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhamaan hayadaha dawliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn in gurmad lala gaaro degaanada ay abaartu saameysay.
​T) Shirku wuxuu go'aamiyey in Wasaaradda WTKHB ee heer Federal iyo kuwa heer dowlad goboleed ee shirka isugu yimid in ay awoodooda isugu geeyaan in ay u gurmadaan degaamada abaartu saameysay gaar ahaan degaanada ceelashu ka fariisteen ama kuwa biyo laaantu ka jirto.
​J) Shirku waxa uu qiray kaalinta muhiimka ah ee ganacsiga gaarka loo leeyahay ay ka qaateen ballaaritha helitaanka tamarta iyo adeegyada biyaha, waxaana la'islla gartay in la xoojiyo iskudubaridka qaab dhismeedka sharciyadeed ee ha'adaha iyo shirkadaha ka shaqeeya Biyaha iyo Tamarta si loo hubiyo adeegyo iskumid ah, tayo leh, loona simanyahay dhamaan dalka.
X) Shirku wuxuu go'aamiyay qabsoomida shirkaan inuu noqdo mid la joogteeyo, lixdii bilood mar la qabto, lagagana shaqeeyo isku dubaridka hawlaha hortabinta u leh Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha heer federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.
​Gunaanadkii, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad iyada oo si wadajir ah loogu mahadceliyey Dowladda Galmudug ee Soomaaliya taas oo si heersare ah u marti-gelisay shirkan isla markaana loo ballamay in kulamada noocaan oo kale ahna lagu qabto Maamullada kale ee dalka.
------DHAMMAAD-----