Laascaanod, Sool, NE, Somalia, January, 28, 2026
𝐀𝐝𝐡𝐢𝐜𝐚𝐝𝐞𝐞𝐲𝐞: 𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐓𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐜𝐞𝐞𝐝𝐝𝐚
Deegaanka 𝐀𝐝𝐡𝐢𝐜𝐚𝐝𝐞𝐞𝐲𝐞 waxaa maalmahan si guul leh uga hirgalay mashruuc muhiim ah oo lagu rakibay 𝐛𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐜𝐞𝐞𝐝𝐝𝐚, kuwaas oo lagu iftiiminayo waddada weyn ee magaalada. Mashruucan oo muddo soo socday ayaa hadda maraya marxaladdii dhamaystirka, isagoo wax weyn ka tari doona bilicda magaalada, ammaanka bulshada, iyo horumarinta adeegyada kaabayaasha nolosha.
Hirgelinta mashruucan ayaa ah mid ka dhalatay dadaal wadajir ah, midnimo iyo isku duubni ay muujiyeen 𝐐𝐮𝐫𝐛𝐨𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐀𝐝𝐡𝐢𝐜𝐚𝐝𝐞𝐞𝐲𝐞, kuwaas oo door muuqda ka qaatay in hawshani miro dhal noqoto. Gaar ahaan, waxaan si gaar ah u xusaynaa uguna mahadcelinaynaa 𝐐𝐮𝐫𝐛𝐨𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐄𝐚𝐬𝐭 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚, kuwaas oo hormuud u ahaa mashruucan, isla markaana xil gaar ah iska saaray hirgelintiisa.
Waxaan u diraynaa mahadnaq iyo duco dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay dhaqaale ahaan, talo ahaan iyo hawlgal ahaanba. Taageerada aad siisaan deegaankiina iyo dadkiinaba waa mid mudan bogaadin, waxaana Alle uga baryaynaa inuu idinka abaalmariyo khayr iyo wanaag farabadan, idinkuna barakeeyo maalka iyo camalka.
Ugu dambayn, waxaa bulshada reer Adhicadeeye lagu boorrinayaa in ay si wadajir ah u ilaashadaan una dhowraan kaabeyaashan cusub, si ay u noqdaan kuwo waara oo si joogto ah ugu adeegaya bulshada iyo jiilasha mustaqbalka.