Lafweyne, Xuddun, Sool, NE, Somalia, December, 24, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa maanta kala wareegay ceel biyood ay ka fulisay deegaannada Lafwayne Hay’adda NRC, iyadoo kaashanaysa Hay’adda King Saud Foundation.
Ceelkan oo muddo dheer baahi weyn looga qabay deegaannadan ayaa la filayaa inuu si weyn u daboolo baahida biyaha ee xoolaha iyo duurjoogta,isla markaana wax weyn ka tari doono horumarinta nolol-maalmeedka bulshada ku dhaqan Lafwayne.
Wasaaraddu waxay bogaadinaysaa doorka ay hay’adaha iskaashigu ku leeyihiin horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee biyaha, gaar ahaan deegaannada u nugul abaaraha.